Haween garsoorayaal ka ahaa Maxkamad sare oo la dilay

Afghan security personnel stand guard an area following a suicide attack near the Marshal Fahim Military Academy base in Kabul on February 11, 2020. - A suicide attack rattled the Afghan capital Kabul early January 11, the interior ministry said, with casualties feared in what appeared to be the first major assault in the city in months. (Photo by - / AFP)

Kabul (Halqaran.com) – Labo haween ah oo garsoore ka ahaa maxkamadda sare ee Afghanistaan ayaa subixii Axadda maanta ah lagu toogtay magaalada Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha waddankaasi.

Haweenkan ayaa waxaa beegsaday rag hubeysnaa xilli ay u socdeen shaqada oo ay saarnaayeen baabuur, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay maxkamadda.

Labadan haween ayaa lagu toogtay deegaanka Qala- Al- Fathullah oo ka tirsan caasimadda Kabul.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay haweenkaasi qorsoorayaasha ahaa.

Waxay tani ku soo aadeysaa xilli Afghanistan ay bilihii lasoo dhaafay ku soo kordheen weerarada lagu bartilmaameysanayo weriyeyaasha, dadka u ololeeyo xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiinta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com