Friday, March 13, 2026
26.5 C
Mogadishu

Haween garsoorayaal ka ahaa Maxkamad sare oo la dilay

Kabul (Halqaran.com) – Labo haween ah oo garsoore ka ahaa maxkamadda sare ee Afghanistaan ayaa subixii Axadda maanta ah lagu toogtay magaalada Kabul, sida ay sheegeen saraakiisha waddankaasi.

Haweenkan ayaa waxaa beegsaday rag hubeysnaa xilli ay u socdeen shaqada oo ay saarnaayeen baabuur, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay maxkamadda.

Labadan haween ayaa lagu toogtay deegaanka Qala- Al- Fathullah oo ka tirsan caasimadda Kabul.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay haweenkaasi qorsoorayaasha ahaa.

Waxay tani ku soo aadeysaa xilli Afghanistan ay bilihii lasoo dhaafay ku soo kordheen weerarada lagu bartilmaameysanayo weriyeyaasha, dadka u ololeeyo xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiinta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...