Wednesday, January 21, 2026
25.1 C
Mogadishu

Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dalka oo gaaray Magaalada Garowe.

Garoowe(Halqaran.com) –Wafdi ka socday Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland, iyada oo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

 

Wafdigaan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Khilaafaadka Maxamed Cawil Warsame ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga doorashada Maamulka Puntland.

 

 

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed Cawil Warsame iyo xubnaha la socda ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona Guddiga doorashada Puntland iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadli doona dardar-gelinta howlaha doorashada.

 

Ugu dambeyn Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida iyo kor joogteynta  Khilaafaadka Doorashada ee golaha shacabka.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...