Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

QM oo ka hadashay duqeyn lala beegsaday xero ku taalla Dalka Yemen.

Yamen(Halqaran.com) – Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay duqeymo dhanka cirka ah oo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ay ka fuliyeen gobolka Sacda ee waqooyiga Yemen, kaasoo lagu dilay tobanaan qof.

Diyaaradaha dagaalka xulafada uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa barqanimadii maanta duqeeyay xero ku taal magaalada Sacda, halkaasi oo ay ku dileen in ka badan 70 ruux, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 140 kale, iyadoo wararku ay sheegayaan in la filayo in tirada dhimashada ay sii kororto.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in madaxa Qaramada Midoobay uu dhalleeceeyay “duqeymaha cirka ee ay maanta bilaabeen xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dhanka ah xabsiyada magaalada Sa’ada.” Dujarric oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in duqeymo kale oo dhanka cirka ah ay fuliyeen isbaheysiga duulaanka ku jooga dalka Yemen Jimcihii shalay, isagoo intaa ku daray in duqeymahaasi ay sidoo kale sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo ay ku jiraan caruur.

Waxa uu sheegay in weerar cirka ah lala beegsaday xarumaha isgaarsiinta ee Xudeyda oo si adag loo go’doomiyay taasoo si weyn u hakisay adeegyadii internetka ee muhiimka ahaa ee inta badan dalka saboolka ah.

“Xoghayaha guud wuxuu ku baaqayaa baaritaan degdeg ah, oo hufan oo lagu sameeyo dhacdooyinkan si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka,” ayuu yiri Dujarric, isaga oo intaa ku daray in Guterres uu sidoo kale ku baaqay in xaaladda degdeg loo dejiyo.

Abdifatah Hassan Hussein
Xafiiska Wararka Halqaran, Marka

Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...