Muqdisho (HalQaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JF Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Arbacada maanta ah kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargaysa, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta howlaha shaqo ee hortebinta u leh Baarlamaanka 11-aad.
Sidoo kale, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa isla gartay in ay si wadajir ah u wajahaan kalfadhiga saddexaad sharciyada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah Qaranka, sida dhammasytirka wax ka bedelka Dastuurka, ka howlgelidda heshiisyadii ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Kulanka wada-tashiga ah waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Haaji Samatar, Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow iyo habdhowraha Aqalka Sare, Senator Samsam Ibraahim Cali oo ay wehliyaan xoghayayaasha labada gole ee Baarlamaanka, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com