Tuesday, October 28, 2025
27.8 C
Mogadishu

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya oo kulan ka yeeshay dardargelinta howlaha shaqo ee horyaala

Muqdisho (HalQaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JF Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Arbacada maanta ah kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargaysa, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta howlaha shaqo ee hortebinta u leh Baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa isla gartay in ay si wadajir ah u wajahaan kalfadhiga saddexaad sharciyada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah Qaranka, sida dhammasytirka wax ka bedelka  Dastuurka, ka howlgelidda heshiisyadii ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Kulanka wada-tashiga ah waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Haaji Samatar, Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow iyo habdhowraha Aqalka Sare, Senator Samsam Ibraahim Cali oo ay wehliyaan xoghayayaasha labada gole ee Baarlamaanka, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...