Garoowe (Halqaran.com) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Xakiin Maxamed ( Dhoobo Daareed) ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Saciid Deni inuu yahay shaqsi gacan ku dhiigle ah.
Dhoobo daareed oo muuqaal iska soo duubay la soo galiyay Baraha Bulshada, ayaa wuxuu ka fal celiyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo uu kaga soo horjeestay xil ka qaadistii lagu sameeyay R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay Saciid Deni inuu yahay shaqsi gacan ku dhiigle ah, maadaama Ciidamo uu ku weeraray xarunta Baarlamaanka Puntland xilligii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ahaa, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu kaloo sheegay, in Deni uusan ka hadli karin xilka qaadis Ra’iisul Wasaare Kheyre, uusana eedeyn u jeedin karin Xildhibaanno Qaran, maadaama uu sheegay in Deni uu ku tuntay Dastuurka maamulka Puntland.
“Saciid Cabdullaahi Deni ma kala hadli karo Dastuur la jebiyay, waayo waxaa uu xil ka qaadis Guddoomiye Baarlamaan uu u adeegsaday hati fara badan, isaga ayaa ku tuntay sharciga, uuna jediyay Dastuurka Puntland, haatana kama hadli karo Dastuur la jebiyay iyo xil ka qaadis RW Xasan Cali Kheyre” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.
Si kastaba, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowlad goboledka Puntland Cabdi Xakiin Maxamed (Dhoobo Daareed) ayaa xil ka qaadistiisii waxa ay ka dambeysay, kadib markii ay isku dhaceen Madaxweyne Deni.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





