Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Guddoomiyhii deegaanka Garasbaaley oo maanta qarax lagu dilay

Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyihii Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, Maxamed Abuukar Afrax ayaa Talaadadii maanta ku dhintay qarax gaarigiisa lagula eegtay gudaha magaalada.

Guddoomiyaha ayaa qaraxa lagula eegtay inta u dhaxeyso Degmada Kaxda iyo Garasbaaley, gaar ahaan Waaxda Foorilow.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Guddoomiyaha halkaasi looga qaaday dhaawac ahaan, markii dambana uu dhaawacaasi u geeriyooday.

Guddoomiye Afrax ayaa xilka qabtay bishii May ee sanadkan, ka dib markii qarax lagu dilay Gudoomiyihii isaga ka horeeyay, marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...