Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan gaar ah La Qaatay Haweenka Ku Jira BJFS

Muqdisho(Halqaran.com) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay guddi ka socda Xildhibaannada haweenka ah ee ku jira Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha , ayaa marka hore warbxin ka dhageystay xildhibaannadda haweenka ah iyagoo is weydaarsaday sidii haweenka tageero uga heli lahaayeen ka qeyb galka siyaasada iyo awoodsiinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa boggaadiyey howlkarnimadda ay sameynayaan haweenka Xildhibaannadda ah ee ku jira Golaha Shacabka BaarlamaankaJamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya, isagoo la wadaagay inay xoojiyaan midnimada xildhibaanada haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana uu u sheegay inay heli doonaan aqoon kororsi ku aaddan hanaanka sharci dejinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...