Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

Dadaallada nabadda ee ka socdo dalka Itoobiya&Midowga Africa oo ka hadlay.

Ururka Midowga Afrika ayaa Sabtidii sheegay inay kordhiyeen muddo xileedka Ergayga Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo, kaasoo hoggaaminaya dadaallada nabadda ee Itoobiya oo dib u soo cusboonaatay ka dib markii ay soo cusboonaadeen dagaallo.

Talaabadan ayaa imaanaysa in kasta oo jabhada Tigray-gu ay diideen doorka Obasanjo ee wadaxaajood kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka qaraar ee 22-ka bilood ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo xulafadooda.

“Waxaan ku celiyay kalsooni buuxda oo aan ku qabo Obasanjo, waxaana ku dhiirigeliyay sii wadida wadashaqeyntiisa labada dhinac iyo beesha caalamaka, si ay uga shaqeeyaan nabadda & dib u heshiisiinta Itoobiya iyo gobolkaba,” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray madaxa guddiga Midowga Afrika Moussa Faki kadib markii uu la kulmay Obasanjo.

Waxaa socda dadaallo diblomaasiyadeed oo waara oo lagu doonayo in xal nabadeed lagu dhammeeyo colaadda kadib markii uu dib uga soo cusboonaadeen dagaalladii waqooyiga Itoobiya bishii hore, kaas oo burburiyay xabbad-joojintii bishii Maarso.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku adkaysatay in wadahadal kasta oo lala yeesho jabhadaha ay tahay inuu dhexdhexaadiyo Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa.

Laakiin TPLF, ayaa iyaduna ka dhiidhisay “u-dhowaanshaha” Obasanjo oo ah madaxweynihii hore ee Nigeria ee hoggaamiyaha Itoobiya.

Faki, waxa kale oo uu Sabtidii sheegay in uu la kulmay ergeyga cusub ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer, waxaanu yiri “Waxay isla garanay baahida loo qabo in saaxiibada caalamku ay taageeraan hannaanka uu Midowga Afrika u hoggaaminayo dhinacyada si loo soo afjaro colaadda Itoobiya.”

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...