Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo dalka dib ugu soo noqday

Muqdisho (HalQaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Khamiista maanta ah dalka dib ugu soo laabtay kadib safar qaatay muddo Afar maalmood ah oo uu dalka Boqortooyadda Sucuudiga ugu maqnaa howlo shaqo.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman (Aadan Cadde) ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka mahadceliyay soo dhoweyntii loo sameeyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com