Tuesday, April 21, 2026
29 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Amray in Ciyaal weerada loola dagaallamo sidii Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda Degmooyinka dhaca qeybta Bari iyo saraakiisha Laamaha Amniga, kaasi oo loogu hadlayay u diyaar garowga Qorshe Howleedka sanadka cusub ee 2023 iyo Qorshaha wada-shaqeynta laamaha Amniga iyo Maamulada degmooyinka.

Duqa Muqdisho ayaa kulanka ka sheegay in Ciyaal weero haddii aan hada leyska qaban oo aan lala dagaalamin sidii Al-Shabaab oo kale ay noqonayaan, ayna u baahan doonaan in lagala dagaalamo Cir iyo dhul sidoo kalena ummada ay baad ka qaadi doonaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo saraakiisha laamaha Amniga ee Degmooyinka dhaca qeybta Bari in ay dardargaliyaan Horumarinta Degmada, sida Nadaafada, Bilicda, Dib-u-dhiska, wax ka qabashada kiisaska Amniga, Cayaal weerada iyo in iskaashi buuxda laga wada yeesho dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Marar badan ayuu ku soo cel celiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in lala dagaalamo ciyaal weerada inta aysan xoogeysan, isaga oo walwal ka muujiyay inay xoogeystay hadhowna awood loo yeelan waayo in lala dagaalamo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...