Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Guddoomiyaha cusub ee G/Hiiraan oo si kulul ugu jawaabay Madaxweynaha Puntland (Maxaa cusub?)

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan

Beledweyne (Halqaran.com) – Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa si adag uga jawaabay codsi uu dhawaan Madaxweyne Deni u diray ganacsatada Puntland oo la xiriiray in aysan wax Raashin ah u rarin meel ka baxsan Puntland si loo beekhaamiyo Raashinka yaalla gudaha Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay haddii Puntland aysan ka laaban go’aankaasi dhankooda ay qaadi doonaan tallaabo ku aadan waxyaabaha Puntland looga dhoofiyo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, maadaama labada dhinac aysan kala maarmin.

Wuxuu kaloo tilmaamay, in Canshuur kordhin ballaaran ay ku sameeyn doonaan Khudaarta iyo Xoolaha Hiiraan looga qaado deegaanada Puntland, wuxuuna xusay in shey kasta oo Khudaarta ah ee aada Puntland ay ku Canshuuri doonaan 20 dollar.

Sidoo kale waxa uu sheegay, in muhiim ay tahay in Isbarbar dhig lagu sameeyo Ganacsiga ka jira Hiiraan iyo kan Magaalada Boosaaso, isagoo sheegay Gobolka Hiiraan deegaano ka tirsan Puntland looga qaado Khudaarta iyo Caanaha.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay ganacsatada labada dhinac inaysan kala maarmin, sidaasi awgeedna ay wanaagsan tahay in Shuruudo aan lagu soo kordhin ganacsiga oo si caadi wax waliba ay ku shaqeeyaan.

Inta badan raashinka laga isticmaalo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa laga soo qaadaa deegaanada Maamulka Puntland, halkaasi oo ganacsatada ay ka soo rartaan kadibna ay u iib geeyaan gobolada Dhexe ee dalka.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa saameyn kala duwan ku yeelanay Coronavirus, waxaana jirta cabsi la xiriirta inay qaali noqdaan raashinka kala duwan ee gudaha dalka laga isticmaalo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...