
Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in tiradii ugu badneyd laga helay Cudurka COVID-19, tan iyo markii dalka laga helay.
Warbixinta maalinlaha waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay gudaha dalka laga diiwaangeliyey 73 qof oo qaba cudurka COVID-19, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badneyd oo halmar ay shaaciso Wasaaradda caafimaadka.
51 ka mida dadkaasi waa rag, halka 22 kalena ay dumar yihiin. Tani ayaa waxay ka dhigeysaa tirada guud ee dalka laga diiwaangeliyay inay gaartay 237 kiis.
Cudurka Coronavirus ayaa waxaa muuqata in maalinba maalinta ka dambeysaa uu dalka ku sii fidaayo.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday kuwooda dareema astaamaha xanuunka in ay isaga baaraan Isbitaalka Martini.
Cudurka COVID-19 ayaa waxa uu u muuqdaa mid kaga sii daraaya xaaladdii amni ee markii horeba dalka ka jirtay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





