Garowe (Halqaran.com) – Ciidanka dowlad goboleedka Puntland ayaa Talaadadii maanta ku guuleysteen inay soo furtaan gaari xamuul ahaa, oo xalay wadada loo galay, kaasoo la dhacay.
Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay gaariga ku dhaceen wadada xiriirisa Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe, gaar ahaan Qardho iyo tuulada Yaka. Gaarigan ayaa ahaa nooca candho-meedlaha loo yaqaano.
Sidoo kale, Ciidanka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay saddex nin oo lala xiriiriyay dableydaasi, kuwaas oo Warbaahinta loo soo bandhigay.
Taliyaha Madaxtooyada Magaalada Qardho Cabdifitaax Warsame Hiirad, ayaa sheegay in Ciidanka Puntland ay soo furteen gaarigii la dhacay, agabkii saarnaa iyo shaqaalihii gaarigaba.
Cabdifitaax Warsame Hiirad oo warbaahinta la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in gacanta lagu hayo saddex ka mida dableydii dhaca gaysatay, sharcigana la horkeeni doono.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa iyaguna sheegay inay tani farriin u noqoneyso kooxaha kale ee xilliyada qaarkood isku daya inay dhaca u gaystaan gaadiidka xamuulka sida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





