Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ‘Gacal’ oo sheegay in aan loo joojin doonin cabashada musharraxiinta

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, ayaa sheegay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Ku-xigeenkiisa ay dhici doonto waqtigii loogu talagalay.

Maxamed Nuur Gacal, ayaa sheegay inaanay jirin wax ka hortaagan in doorashada ay xilligeeda ku dhacdo, isagoo dhanka kalena beeniyay in Ahlu Sunna diidan tahay afduubka lagu hayo doorashada.

Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay cabashada ay musharaxiinta qaarkood ka keeneen kala qaybsanaanta ku timid Guddiga Doorashada Madaxtooyada ayaa tilmaamay inaanay weli buuxinba shuruudihii laga doonaayay.

“Sharci ahaan marka la fiiriyo musharaxu marka uu is diiwaangeliyo, shuruudaha laga rabo uu biixyio, shahaadadana uu qaato ayuu musharax rasmi ah noqonayaa. Marka dad badan oo hadda hawo iyo hami ku jiraa jira, oo yiraahdeen waxaan rabnaa inaan u tartano Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Galmudug, laakiin weli shuruudihii ma soo dhameystirin. Dadka qaar intii habraacii iyo nidaamkii aysan dhameystirin ayay dhexda ka laabtaan, ayagoo doorashada ama ka baqa ama laga yaabo inay buuxin waayaan shuruudihii laga rabay. Warkoodu sharci ahaan markaan u fiirino macno maka samaynayo maamul u samaynta Galmudug.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee BBC, waxna laga weydiiyay cabashada kale ee ka soo yeertay Ahlu Sunna ayaa wuxuu sheegay inta uu ogyahay inaysan jirin meel ay Ahlu Sunna ku diidan tahay sida ay wax u socdaan.

“Ahlu Sunna habka socdo ayay qayb ka ahayd, qaybtii ay ka ahayd illaa iyo hadda way ku socotaa. 17-ka bisha markii nala doortay, isla 18-kii waxaan bilownay wadatashi, dhammaan dadka hamiga siyaasadeed qaba oo sheegtay inay musharaxiin yihiin iyo Ahlu Sunna Waljameeca waan la tashanay. Deegaanka iyo amnigiisa & doorashada waan kala tashanay, qayb bay ka ahaayeen tallaadaas, marka ma aqaano wax dambe oo ay qoonsdeen.” Ayuu yiri Gudoomiye Gacal.

Hadalkan ka soo yeeray Maxamed Nuur Gacal, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa liddi ku noqonayo baaqii ka soo yeeray afar ka mida musharaxiinta, oo ku aadanaa in Guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu ka shaqeeyo xalinta khilaafka ka dhex dhashay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

Sidoo kale hadalkan ayaa damqinaya boogaha ka dhashay sida loogu kala qaybsan yahay dhabaha ay Dowladda Federaalka u mareyso maamul u samaynta Galmudug.

Suxufiinta Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in magaaladaasi laga dareemay khilaafkii ugu dambeeyay ee ka dhashay kala qaybsanaanta Guddiga Doorashada Xafiiska Madaxtooyada, isla-markaana aan la dafiri karin heerka uu gaaray.

Ugu dambeyn, haddii Dowladda Federaalka loo wakiishay dhismaha maamulka ay leeyihiin dadka reer Galmudug ayay dadku ku doodayan inay ahayd, inay doorashadaasi ka dhigto mid daahfuran, intii ay cid gaar ahi taageeri laheyd.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com