Monday, May 25, 2026
26.6 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Aqalka sare ‘Cabdi Xaashi’ oo magacaabay guddi diyaarinaya hannaanka doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa Magacaabay Guddi Doorasho oo la socda Doorashada xubnaha Xildhibaanada ah ee Goballada waqooyi ka soo gelaya Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu dooranayo Magaalada Muqdisho.

War qoraal ka soo baxay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood.

Guddigan ayaa la socon doono sida ay u dhacayaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal ku matalaya gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale magacaabista guddigaan waxaa uu ogeysiiyay Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Xildhibaannada waqtiga xil-heyntooda uu gaba-gabada yahay ee labada Aqal ku matala Somaliland.

Halka hoose ka akhriso magacaabista guddiga:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...