Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee dalka, Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ku xad Gudbay Dastuurka dalka, kadib hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu shalay ka sheegay fadhigii Golaha Shacabka.
“Waxaan dhageystay hadal jeedintii madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu ka hor jeediyay fadhiga guud ee golaha shacabka kalfadhigiisii 7-aad, kulankiisii gaarka ahaa ee 2-aad, kaas oo dhacay 15 August 2020, hadal jeedinta madaxweynaha wuxuu ku sheegay inuu waajibaad ka saaran yahay ilaalinta dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee dalka u yaal, hase yeeshee isla qudbadiisa dhexdeeda wuxuu si layaab leh ugu xad-gudbay dastuurka dalka”, ayuu yiri gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi.
Sidoo kale, guddoomiye Cabdi Xaashi in hadalkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in golaha Shacabka uu ku soo celin doono waxyaabihii kasoo baxa Wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb uu ahaa mid khalad ah.
“Madaxweynaha miyuusan ogeyn in uu madax ka yahay dal qaatay lama atam oo leh laba Baarlamaan, waxaana ugu baaqayaa in uu akhriyo dastuurka dalka si uu u ogaado qodobada ku xusan awoodaha Baarlamaanka labada Aqal”, ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.
Cabdi Xaashi ayaa dhowr jeer oo hore waxaa uu eedeymo kala duwan uu u jeediyay Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale horay u sheegay in la beddelay Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay meel mariyeen.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo lagu wado in uu ka furmo wajiga 3-aad ee Shirka Dhuusamareeb ee lagu ballansanaa 15-ka bishan Agoosto, balse uu dib u dhac ku yimid.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





