Monday, July 27, 2026
26.7 C
Mogadishu

Guddigii Gurmadka Abaaraha oo bilaabay qeybinta lacagaha Gargaarka.

Muqdisho(Halqaran.com) –Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bilaabay qeybinta qoondadii lacageed ee Dowladdu ugu talo gashay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen.

 

Guddiga oo ay guddoomiye u tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gargaar  lacageed oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen  ku wareejiyay   Dowlad-goboleedyada dalka .

 

Munaasabadda wareejinta qoondadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa  ka soo qeyb galay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad-goboleedyada iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubnaha wasiirrada ah ee Guddiga Gurmadka abaaraha.

 

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay munaasabaddii qeybinta qoondada lacageed ee dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha.

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada  Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ee  Soomaaliya oo ku hadlay magaca dowlad goboleedyada ayaa uga mahadceliyay dowladda gurmadka ay soo gaarsiisay, isagoo ballan qaaday in la gaarsiin doono dadkii loogu talo galay.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...