Muqdisho(Halqaran.com) –Maanta waxaa baraha Bulshada qabsaday warar sheegaya in Maamulka hawada dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay, taas oo fadhigeedu yahay Mareykanka, hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Warkaasi.
Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa beeniyay warka lagu faafiyay baraha bulshada ee lagu sheegayay in Maamulka hawada dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar ah .
“Dawladda Soomaaliya ayaa Maamusha hawadda, waana been abuur wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee la xariira wareejinta maamulka hawadda dalka.
Sido kale waxa uu yiri wasiir ka ”XFS oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay masuul uga tahay maamulka hawadda uma qorshaysna in Maamulka hawadda ay ku wareejiso shirkad gaar loo leeyahay, waana been abuur wararkaasi.
Ugu dambeyn Wasiir Duraan Axmed Faarax ayaa Hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku heyso Maamulka hawada dalka, isagoona xusay in arrintaan ay qeyb ka tahay horumaradda ay ku talaabasatay dawladda soomaaliya oo Wasaarda hurmuud u tahay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





