Sunday, July 26, 2026
26.6 C
Mogadishu

Xabad joojin la dhaxdhigay maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanka Saax-meygaag oo ka tirsan Puntland.

Saax-meygaag(Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan deegaanka Saax-meygaag ee Gobolka Sool, ayaa dadaal ku bixiyay nabadeynta laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi dagaal xoogan ku dhexmaray.

Dadaal dheer kadib ayaa waxaa lagu guuleystay in la sameeyo xabad joojin, isla markaana loo gudbo Shirka nabadeynta ee lagu dhex dhexaadinayo maleeshiyo beeleedka Colaada ku dhexmartay Saax-meygaag.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo berito dhici doona, kaasi oo ay kawada qeybgeli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

 

Axmed Karaash ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Puntland in ay u istaagaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen nabada, isla markaana loo xalin lahaa dagaal beeleedyada soo laab-laabtay ee salka ku haaya murano dhuleed.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...