Thursday, April 23, 2026
28.3 C
Mogadishu

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo doortay guddoomiye kumeel gaar ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulankii ugu horreeyay oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal 2020-2021  ayaa waxaa ay ku doorteen Guddoomiye kumeel gaar ah.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga ayaa waxaa ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in uu gudoomiye ku meel gaar ah u noqdo qofka ugu da’da weyn xubnaha, waxaa ku guuleystay Cabbdullaahi Abyan Nuur.

Xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa soo dhaweyey doorashada Guddoomiyaha, iyaga oo sheegay inay Shaqadooda si wanaagsan u gutan.

Si kastaba, guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban  ee Heer Federaal ayaa Shaqadooda waxaa ay tahay xalinta hadii uu khilaaf ama isqabqabsi ka dhasho doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...