Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo shaaciyay Jadwalka doorashada koraas ka mid ah Golaha Shacabka.

Dhuusamareeb  (Halqaran.com) –  Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka iyo habraaca doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraastan maanta la shaaciyay waxa ay kala yihiin: HOP#078, HOP#012 iyo HOP#137, kuwaas oo la sheegay in la dooranayo 25-ka bishaan febraayo.

 

War ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu soo bandhigay Liiska xubnaha Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa saddexda kursi, kuwaasi oo maalinta berri la xareyn doono sida uu qorshahu yahay.

 

1: HOP#012 oo uu hadda ku fadhiyo Xilshibaan  Yuusuf Xeyle Jimcaale

2: HOP#048 oo uu ku fadhiyo dhowrkii sano ee la soo dhaafay Janeraal Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud balse loo bedelay Qoondo Haween.

3: Hop#137 oo uu ku fadhiyo Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...