Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

DFS oo Lahadashay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Ukraine.

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo jimco ah soo saartay farriin ku socota Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u badan Ardayda ee ku sugan Ukraine oo ay ku dagaalamayaan Ruushka iyo Ukraine.

 

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ammaanka dalka Ukraine uu isku bedelay si xowli ah, xili ay halkaas ku sugan yihiin Arday Soomaaliyeed oo farabadan.

 

Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ugu baaqday inay lasoo Xidhiidhaan safaaradaha Soomaaliya ee Biljamka iyo Jermalka.

 

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duulayso xaaladda ammaan ee Ukraine oo si xawli ah isu beddeshay, waxay kula talisay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ardaydu in ay la soo xiriiraan Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin si loo soo daad gureeyo” ayaa lagu yiri war  kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

 

Dalka Ukraine ayaa waxaa ka socda dagaalo xoogan iyo weeraro oo ay ku qaadeen Ruushka oo Ciidankiisa gudaha u galeen Caasimadda dalkaas, waxaana Ukraine kunool dad Soomaali ah oo qaarkood ka barakacay dalka, iyagoo aaday dalka Poland.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...