Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaalada caasmadda ah ee Muqdisho lagu doortay shantakursi Beelaha Banaadiriga ku matalaysa golaha Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, oo ku jira maalmihii ugu dambaysay dooshadiisa.
1: HOP#084 ayaa waxaa ku guuleystay xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji, kaas oo Beelaha Baandiriga ku matali doonta Baarlamaanka 11-aad, waxaana Baarlamaankii hore Baanaadiriga kumashay Fahma Axmed Nuur kursigaan084.
2: Hop#034 waxaa ku fadhiyah Khaalid Macoow Cabduqaadir ayaa waxaa ku guuleysatay Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, waxaana kursigaan uu ahaa mid buuq badan uu ka dhashay walow Guddiga doorashooyinka heer federaal ay sheegeen in la xaliyay.
3: Hop#105 waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaankii 9aad Jeylaani Nuur Iikar, balse meesha laga saaray, waxaana Maanta ku guuleystay Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde
4: Hop#265 waxaa horey ugu fadhiyay lufti Shariif Maxamed Cumar ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Nuur Abuukar.
5: HOP#266 waxaa kusoo baxay Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), waxaana Baandiriga uu ku matali doonaa Baarlaamaanka 11-aad, waxaa kursigaan Baarlamaankii hore ku matalay Beelaha Biibi Khaliif Maxamed.





Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





