Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

RW Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha Amniga iyo Taliska AMISOM. (Maxaa ka soo baxay?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xooninta amniga Dalka, la dagaalanka Argagaxisada , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada.

 

 

Waxaa ka soo qeyb galay Shirkaan  Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha J.F  Soomaaliya.

 

 

Rooble ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu ciribtirayo kooxaha dhibaatada amni darro ka wada dalka, waxuna ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

 

 

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ka dhacayeen falal amniga lid ku ah sida dilal qorsheysan oo ay geysanayeen kooxo hubeysan iyo qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...