Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka soo tala bixiya xal ka gaarista qalalaasahii ka dhacay Caasimadda Muqdisho.
Mr Rooble ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku magacaabay Guddigan oo ka kooban 11 xubnood.
Guddigan oo Guddoomiye uu u yahay Wasiirka Amniga Qaranka, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa laga dalbaday inay ka soo tala bixiyaan qalalaasihii 25-kii bishii hore ee April ka dhacay Caasimadda Muqdisho.
Xubnaha Guddiga
Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale Guddoomiye
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin
Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Xubin
Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin
Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin
Wasiir ku Xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaalla) Xubin
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin
Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas dhageey) Xubin
Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) Xubin
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin
Xildhibaan Mahad Maxamed Salad Xubin
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





