Monday, May 11, 2026
27.9 C
Mogadishu

Golaha Wasiirrada Somaliya oo ansixiyay 5 xubnood oo ka mid noqonaya golaha adeegga garsoorka +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada ee BF Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo kamid noqonaya golaha adeegga garsoorka dalka.

Xubnaha Goluhu ansixiyay ayaa kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali CIsmaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar

Shirka oo uu guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu ansixiyay sideed xubnood oo kamid ah 9-ka Xubnood ee Maamulka Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

Xubnaha maamulka Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed ee goluhu meel mariyay ayaa kala ah: Ibraahim Cali Xuseen (Guddoomiye), Caa’isho Cusmaan Axmed (Guddoomiye ku-xigeen), Ibraahim Axmed Leyte (Xubin), Cabdulqaadir Aadan Maxamuud (Xubin), Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, (Xubin), Axmed Xaaji Cabdi (Xubin), Cabdixaafid Cali Dirir (Xubin) iyo Mahad Maxamed Sh. Xasan (Xubin).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...