Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Golaha Wasiirrada cusub ee Galmudug oo la Ansixiyay, lana dhaariyay +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Xildhibaannada Baarlamaanka ee maamulka Galmudug oo Axadda maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka galmudug ayaa waxay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Golaha Wasiirrada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Waxaa soo xaadirta Kulankii maanta 78 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, dhammaantoodna waa ay ansixiyeen.

Waxaa sidoo kale sidoo kale kulanka ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Mudane Qoorqoor, madaxweyne ku-xigeenka Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, Mudane Maxamed Axmed Gacal iyo ku xigeenadiisa.

Dhaarinta Golaha wasiirrada ee Galmudug

Dhammaan tirade golaha Wasiirada ay maanta meel mariyeen Baarlamaanka Galmudug ayaa ka koobnaa 61, waxaana isla munaasabada lagu dhaariyay 25 Wasiir, 25 Wasiir ku-xigeeno iyo 11 Wasiiru Dowle.

Madaxda sare maamulka Galmudug ayaa kula la dardaarmay Wasiiradan inay sidii loogu talagalay ugu adeegaan shacabkooda, waxaana ay u rajeeyey inay ka soo baxaan waajibaadka loo ekmaday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...