Muqdisho(Halqaran.com) – Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha kadib soo jeedin Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo xilkii laga qaaday Agaasimihii hore Maxamed Aadan Koofi.
“Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’ adda Socdaalka & linsiyadda oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali, iyagoo uga mahadceliyay Agaasimihli hore ee hay” adda Mudane Maxamed Aadan Koofi howshii u soo qabtay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Sido Kale Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyay in Eng Cabduqaadir Aadan Maxamuud inuu noqdo Guddoomiyaha Batroolka Soomaaliyeed kadib soo jeedin Wasaaradda Batroolka.
Kulanka golaha wasiirada ee ay maanta yeesheen ayaa ahaa mid gaar ah, wuxuuna ku soo aaday xilli adag oo xasaasi ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





