Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Isniinta maanta waxaa ay ka doodi doonaan sharciyo dhowr ah.
Kulanka maanta ayaa ah kulan weynaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu yahay ajandayaashiisa.
Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha Haya’adda diiwaangelinta dadweynaha iyo bixinta aqoonsiga oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-hishiisiinta Dowladda Soomaaliya .
Waxaa Sidoo kale, ajandaha ka mid ah akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Qaxootiga.
Ugu dambeyn, guddoonka Golaha Shacbka ayaa soo jeediyay in la dardargeliyo howlaha horyaala golaha, maadaama ay Dowladda uu yahay waqti kooban isla markaan loo baahanyahay in dhameystiro.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





