Monday, March 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Golaha Ammaanka oo war cusub ka soo saaray Xaaladda magaalada Laascaanood +(War-saxaafadeed)

Laascaanood (HalQaran.com) – War-saxafaadeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa soo saaray madaxweynaha golahaas, Lana Zaki Nusseibeh oo ah danjiraha halkaa u fadhida Isutagga Imaaraadka Carabta.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo dedaallada ay wadaan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka ee lagu raadinayo xabbad joojin laga gaaro colaadda Laasacaanood.

Golaha Ammaanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku barakacay dagaalka oo tiradoodu uu ku sheegay in ay ka badan tahay 150 kun oo qof.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si degdeg ah ku gaaraan heshiis xabbad joojin ah, waxaana ku boorineynaa wadahadal loo dhan yahay iyo in xafiiska Qaramafa Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo taakulada ay u baahan yihiin u fidiyo dhinacyada,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay Somaliland in ay si degdeg ah ciidamadeeda ula baxdo iyo in dhinacyada ay joojiyaan tallaabooyinka sii hurin kara colaadda, si loo soo celiyo is aaminaada, loona abuuro jawi nabadeed.

Dhinacyada ayaa loogu baaqay in ay fududeeyaan sidii ay gargaar bani’aadannimo u heli lahaayeen dadka ku barakacay colaadda Laasacaanood iyo in deeq bixiyayaasha ay kordhiyaan taageerada ay siinayaan dadkaas.

Golaha ayaa ka codsaday dhinacyada dagaallamaya in ay fursad siiyaan kooxaha miino baarista si ay goobahaas uga saaraan waxyaabaha qarxa ee halista ku ah nolosha aadanaha.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ay laanta Af Soomaaliga ee BBC-du la xiriirtay ayaa sheegay in war saxaafadeedka golaha Ammaanka ay maanta ka jawaabi doonaan, kadib marka ay wadatashi ka yeeshaan.

Ugu dambeyn, Colaadda Laasacaanood oo socotay Afartii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka kumannaan kale ay ku barakaceen. Dhinacyada ku dagaallamaya halkaa ayaa u muuqda kuwo aan ilaa hadda gaarin is fahan ku aaddan xabbad joojin dhaqangasha, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin waan-waan muddo socotay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...