Sunday, May 31, 2026
26.7 C
Mogadishu

General Indha-cadde iyo Ciidamo uu horkacayo oo la wareegay Taalada Daljirka Daahsoon

Muqdisho (Halqaran.com) – War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya, in Ciidamo ka amar qaata General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ay la wareegeen ammaanka Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo berri lagu wado inuu ka dhaco Bannaanbax nabadeed oo ay iclaamiyeen Midowga Musharraxiinta.

General Indha-cadde oo ka tirsan saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay sababta ay caawa ciidamo ka amar qaata ay ula wareegeen ammaanka Taalada Daljirka Daahsoon.

Bannaanbaxan nabadeed ayaa Dowladda Federaalka looga dalbanayaa inay dedejiso doorashada dalka.

General Yuusuf Indha-cadde ayaa sheegay inuu u istaagay suggida ammaanka ee dadka bannaanbaxa ka qaybgalaya, xilli sida uu sheegay aanay jirin cid arrintaasi u dirsatay.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay inaanay dalka ka jirin wax dowlad ah, isla-markaana uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo intaa ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu sifo aan sharci ahayn ku jooggo Aqalka Madaxtooyada, sida uu hadalka u dhigay Generaalka.

Indha-cadde ayaa tilmaamay in ciidamadiisu ay hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan aagga Daljirka Dahsoon, si aan loo dhibaateen dadweynaha lagu wado in bannaanbaxaasi ka qaybgalaan, waxaana uu muujiyay in yoolkiisu yahay in si nabada uu bannaanbaxaasi ku dhaco.

Si kastaba ha’ahaatee, tallaabada ciidamada General Indha-cadde kula wareegeen Taalada Daljirka Dahsoon ayaa ku soo beegmeysa, xilli Villa Soomaaliya ay qorsheynayso in ciidamado ku soo daadiso magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...