Sunday, January 18, 2026
25 C
Mogadishu

UPDATE: Galmudug oo war ka soo saartay dagaal maanta ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuuusamareeb (Halqaran.com) – Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay dagaal Arbacadii maanta Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ku dhexmaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay inay Guddi xaqiiq raadin ah ay u saareen dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb ee u dhexeeyay Ciidanka NISA iyo kuwa Booliska dowladda ee Haramcad.

Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug waxey u saartay guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah shaqaaqo iyo gacan ka hadal muddo kooban ku dhexmartay laba ciidan maantay magaalada Dhusamareeb” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, lama soo sheegin wax dhimasho ah oo dagaalkaasi ka dhashay.

Ciidamada Militariga ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa kala dhex galay labadii Ciidan ee halkaasi ku dagaalamay, waxaana xaaladda ay tahay mid degan.

Si kastaba, dagaalkii maanta ayaa wuxuu ka dhashay Bar koontarool oo Ciidamada Haramcad maamulaan oo dhawr mar laga celiyay Saraakiil ka tirsan Nabad Suggifa Magaalada Dhuusamareeb ku sugan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...