Janaale (Halqaran.com) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay shan duqeymood oo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab ka gaysatay meel u dhaw Jannaale, intii u dhaxaysay Maarso 16-17.
Mareykanku ayaa sheegay in duqaynta iskaashi lagala sameeyey hawlgalka Amisom iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo degaankaas hawlgal ka wada.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Africom ayaa lagu sheegay in duqaynta lala beegsaday Al-Shabaab xilli ay isku soo urursanayeen, dhaqdhaqaaqyana ka wadeen goobta hawlgalka ay ka wadaan ciidamada ay horseedka ka yihiin kuwa Soomaalida.
Africom waxay sheegtay inaan cid rayid ah waxba ku noqon duqaymahan.
Waxay kaloo Africom sheegtay in ciidamada Maraykanka ay deegaankaas ku sugnaayeen markii duqaynta ay dhacday iyaga oo talo iyo taageero u fidinaayey ciidamada Soomaalida.
Ugu dambeyn, ciidamada dowladda ayaa toddobaadkan qabsaday magaalada Jannaale kadib dagaal ay kula galeen Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





