Galgaduud (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya weerar gaadmo ah oo galabta lagu qaaday gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa DF Soomaaliya xilli ay ku sii jeedeen degmada Balanballe oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Ciidamadan oo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa ka baxay Xerada tababarka Xoosh ee degmada Guriceel, balse maleeshiyaad hubeysan ay rasaaseeyeen xilli ay marayeen deegaanka Cagfarooge oo u dhexeeya Guriceel iyo Ballanballe.
Warar ay helayso Halqaran News ayaa sheegaya in weerarkaas lagu dilay 4 Askari oo qaarkood saraakiil yihiin oo gaariga saarnaa halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, iyada oo maleeshiyaadkii weerarkaasi geystay ay goobta ka baxsadeen, sida dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen.
Sidoo kale, Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha iyo Ciidamada ka tirsanaa Millatariga Soomaaliya loo dilay falal la xiriira aanooyin qabiil oo waayadii dambe ka jiray deegaannada Dowlad goboleedka Galmudug.
Weli kama aysan hadlin weerarkaasi saraakiisha qeybta 21aad ee Millateriga Soomaaliya iyo Madaxda Galmudug:
Ciidamadii ku dhintay weerarkaasi ayaa la geeyay degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





