Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax xooggan oo si wayn jugtiisa looga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa saaka wuxuu ka dhacay Degmada Xamar Jajab ee Gobolkaan Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxan loo  adeegsaday gaari, waxaa lala eegtay Xarunta Laanta Canshuuraha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku taallo ka soo horjeedka Dakadda Magaalada Muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa waxa ay aheyd mid culus, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo qiiq ka dhashay Qaraxaasi, inkastoo wali si rasmi ah aan la ogeyn inta uu la eeg yahay Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay Qaraxaasi.

Booliska Saldhiga Degmada Xamar Jajab oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxa ay xireen wadada, waxaana goobta tagay gaadiidka ambalaaska oo halkaasi ka qaadayo dadka dhaawacyada ah.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay ammaanka Magaalada Muqdisho wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka dhicin falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Qarax gaari oo ka dhaca Muqdisho waxaa ugu dambeysay Qaraxii ka dhacay Excontrol Afgooye Bishii December sanadkii 2019kii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...