Tuesday, October 28, 2025
27.7 C
Mogadishu

Faah-faahin iyo khasaarihii ka dhashay dagaal dhexmaray ciidanka booliska iyo Militariga Somaliya

Ciidamada dowladda oo dagaal ku jira /Sawir hore/HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa warar dheeraad ah ka soo baxaya Khasaarihii ka dhashay dagaal Ciidamada Booliska iyo Militariga ku dhexmaray Degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir.

Iska horimaadkan ayaa ka dambeeyay, kadib markii Ciidamada Booliska ah galeen xaafadaha Kaawo Godey iyo Tarabuush, halkaasi oo ay rabeen Booliska inay ka sameeyaan Baaritaano, kadib markii looga shakiyay Xaafadahaasi hoobiye xalay in laga tuuray.

Wararka ayaa sheegaya, in ciidanka Booliska oo waday howgal inay isku dayeen in baaritaano ay ku sameeyaan Guri uu degan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga oo lagu magacaabo Bile Af-dheere, hayeeshee ay iska caabin kala kulmeen Ciidamo Milateri ah oo la joogay Sarkaalkaas.

Waxaa la xaqiijiyay in dagaalkan dhexmaray labada dhinac ay ku geeriyooday Afar ruux oo shacab ah, halka dad kalena dhaawac uu soo saaray, kuwaasi oo qaarkood deganaa guryo Jiingado ah.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filiah, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Xijaar ayaa ku baxay dagaalka ka dhacay Wadajir, iyagoo kala dhex-galay Ciidamada, sidaasina uu ku joogay dagaalka oo socday mudo ku dhow hal saac.

Ugu dambeyn, dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Wadajir ayaa loo balan san yahay maanta inay si rasmi ah uga wada hadlaan labada dhinacyadii dagaalamay, si loo xaliyo Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...