Saturday, May 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO WAREYSI: Safiirkii Somaliya u fadhiyay dalka Masar oo Cudurka Coronavirus dartiis u geeriyooday

Kuwait (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya waddanka Kuwait ayaa sheegaya, in dalkaasi uu ku geeriyooday safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar, marxuum Danjire CabdiQani Maxamed Waceys.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Safiir CabdiQani Maxamed Waceys uu ku dhintay dalka Kuwait, halkaasi oo muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay.

Allaha u naxariisto Danjire CabdiQani Maxamed Wareys ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu u dhintay Cudurka Coronavirus oo toddobaadkii hore ku dhacay, sida uu laanta Af Soomaaliga ee BBC-da u sheegay, Wiilkiisa Maxamed CabdiQani Maxamed.

‘‘Aabe CabdiQani Maxamed Waceys Allaha u naxariisto wuxuu xalay 4:30 ku geeriyooday dalka Kuwait, xanuunka hadda jiro ayuu u geeriyooday darteed, Sabtidii hore ayuu xanuun dareemay, neeftana ku dhegtay, isbitaalka ayuu lugihiisa ku tagay, markii ay baareen kaddib waxay u sheegeen inuu Positiv yahay oo uu  Coronavirus ku dhacay‘‘ ayuu yiri Maxamed CabdiQani Maxamed oo ah Wiilka Danjire CabdiQani Maxamed Waceys.

Marxuum CabdiQani Maxamed Waceys ayaa wuxuu muddo ka soo shaqeeyay Safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Yemen, Libya iyo Masar oo uu hadda Safiir ka ahaa.

Danjire CabdiQani Maxamed Waceys ayaa taariiq fog wuxuu ku leeyahay Siyaasadda dibadda ee Soomaaliya oo uu muddo ka soo shaqeynayay, balse ugu dambeyn ku geeriyooday dalka Kuwait.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...