Wednesday, July 8, 2026
25.6 C
Mogadishu

Faah-faahin iyo wararkii ugu dambeeyay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaraxaan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkan Banaadir, waxaana uu ka dhacay agagaarka Carwadii hore ee Taleex oo ku taalla Degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Qaraxaan oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso, isla markaana lala eegtay Gaari uu leeyahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa uu ku dhaawacmay Darawalka Gaariga, sidoo kalena uu jiro burbur gaariga soo gaarey, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Muddo saacad ku dhaw ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada Taleex ee ka timaada Tarabuunka oo gaadiid fara badan ay isticmaalan, hayeeshee ay si caadi ah ku soo noqotay.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxaan, hayeeshee waxaa uu kamid yahay qaraxyada inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...