27.1 C
Mogadishu
Monday, November 28, 2022

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somaliya oo Muqdisho oo soo gaaray

Muqdisho (Halqaran.com) – Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka KMG ah ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ‘si uu ula wareego howlihiisa’, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ATMIS.

Danjire Mohammed El-Amine Souef oo u dhashay waddanka Comoros ayaa waxaa xilkan bishii September u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.

Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay Fiona Lortan oo ah ku xigeenka Ergayga Gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidmada midowga Afrika ee ATMIS.

Wixii ka horreeyay magacaabistiisa, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA).

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros, Danjire Souef ayaa sidoo kale soo noqday Madaxa Xafiiska Gobolka ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID).

Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa bedelay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, oo uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka eryay bishii April, isaga oo ku eedeeyay ‘inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Malls, major business outlets in Eastleigh to shut on 8th Dec in protest over policeman Ahmed Rashid

Malls and major business outlets in Eastleigh will be...

Ilhan Omar fires back after McCarthy vows to remove her from committees

BY ZACH SCHONFELD / The Hill Rep. Ilhan Omar (D-Minn.)...

Argentina loses to Saudi Arabia in All-Time World Cup upset

BY JAMES BRINSFORD / Newsweek Saudi Arabia has set the...

Somali National Army kills two senior al-Shabaab leaders

At least two senior al-Shabaab leaders have been killed...

KDF will be in Somalia till peace restored – Duale, Kenya’s Defence Minister

Kenya forces working under the framework of the African...
spot_img

Madaxweynha JFS Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Jeediyay Furitaanka Shirweynaha Maalgashiga Soomaaliya

Muqdisho(Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfura shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya oo ay soo agaasintay...

Malls, major business outlets in Eastleigh to shut on 8th Dec in protest over policeman Ahmed Rashid

Malls and major business outlets in Eastleigh will be shut on the 8th of December in protest over the indictment of a police sergeant...

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in la soo afjaray weerarkii Villa Rays

Muqdisho(Halqaran.com) –Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo afjaray weerar qaatay in ka badan 20 saacadood oo ay Al-Shabaab Ku weerareen magaalada...