Monday, June 22, 2026
25.2 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho ”Waxaa jira Shaqsiyaad liddi ku ah amniga ee hala soo qabto”

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in amniga Guud ee dalka uu yahay mas’uuliyad guud looga baahan yahay qof walba oo Soomaali ah.

Duqa Muqdisho oo hadal ka jeedinayay kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay degmada Kaaraan ayaa waxaa uu sheegay in Kaaraan ay tahay degmo baaxad weyn, hayeeshee Shaqsiyaad dano gaar ah leh ay lidi ku yihiin Amniga degmadaas.

“Qofka burcadka yaa loo damqanin, haddii dhaqankiisa xun yahay waa ka tagay, dhibaatada uu ku keenayo ayaa ka badan midka bulshada u keenayo, dadka ka dambeeya dhibaatooyinkaas hala soo gaarsiiyo hey’adaha amniga iyo maxkamahada hala soo gaarsiiyo dalka dowlad iyo garsoor ayuu leeyahay”ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sheegay si looga gudbo amni darrada ka jirta degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir in Bulshada la yimaadaan aragti lagu sugi karo amniga iyo inay si wadajir ah uga qeyb qaataan ka hortagga Amni darrada ka geysanaya degmada Kaaraan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa hadalkiisa waxaa uu daba socdaa, kadib markii Amni darro baahsan ay ka dhacday degmada Kaaraan, isla markaana dadka Shacabka ah ay cabasho u soo gudbiyeen Maamulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...