Friday, March 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho iyo Wasiir Warfaa oo kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dad badan +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa Talaadada maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yer ee ku nool Caasimadda.

Sadiiq Warfaa, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada oo duqa Muqdisho ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka aadka u nugul ee ku nool gobalka Banaadir.

Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka mahadceliyay soo dhaweenta wasiirka ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay.

Mashruucaan maanta lagu wareejiyay Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yahay Mashruuca Baxnaano ee lagu caawinaayo dadka danta yar, gaar ahaan qaybta ku soo aaday dadka ku nool Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...