Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho ay sababtay in uu hoos u dhaco dhaqaalaha soo gala Maamulka Gobolka.
Cumar Filish ayaa sheegay in Maamulka uu hadda madaxda ka yahay uu ku soo aaday xilli kala guur ah, wadooyinka qaar oo lasii xiray tan iyo markii qaraxa lagu diley Eng Yariisow, tasina ay sababtay in dhaqaalaha soo gala Maamulka Gobolka Banaadir uu yaraado.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay Degmada Shangaani oo ka mid Degmooyinka Gobolka Banaadir inuusan wax dhaqaale ah ka soo galin Gobolka, balse taasi bedelkeeda Maamulka Gobolka Banaadir uu dhaqaale ku kabo Maamulka Degmadaasi.
“Xili kala guur ah waan kusoo aadney, kala daadashadii soo gaartay Maamulka Gobolka Banaadir lagu daray jidadka xiran iyo duleedyada Muqdisho ay weeear ba’an ku haayaan maleeshiyo beeleed ayaa keentay in uu yaraado dhaqaalo soo gala Maamulka Gobolka ayuu yiri” Guddoomiye Filish.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatey guddoomiye ku-xigeenada maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






