Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyootay, Allaha u naxariisto Drs Xaawo Cabdi oo aheyd dhaqtarad caan ka ah gayiga Soomaalida, xilli adagna ku soo shaqeysay dalka.
Drs. Xaawo Cabdi waxaa la xaqiijiyay inay u geeriyootay xanuun ku soo booday xalay, kaasi oo ugu dambeyn subixii Arbacada maanta ah ay u dhimatay sida la xaqiijiyay.
Marxuumadda ayaa waxa ay aheyd Dhaqtar caan ah oo Soomaalida ay wada garanayaan, islamarkaana Isbitaal ku laheyd waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, inkastoo sanadahan dambe Isbitaalkeedii loo soo raray magaalada Muqdisho oo ay ku shaqeynaysay.
Deegaanka Xaawo Cabdi ayaa loogu magacdaray oo Isbitaalkeeda uu ku yaallay, halkaasi oo shacabka Soomaaliyeed ay ugu adeegi jirtay xilli loo baahnaa dhaqaatiirta Soomaalida daryeelkooda Caafimaadka.
Allaha u naxariistee Drs Xaawo Cabdi ayaa waxa ay aheyd haldoor ku dhex jiray shacabka Soomaaliyeed, ugu dambeyna aroornimadii Arbacada maanta ay ifka ka tagtay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





