Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

DF Soomaliya oo xirtay gebi ahaan warbaahinadii Online-ka ee Al-Shabaab +(War-saxaafadeed)

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xirtay gebi ahaan barihii Internet-ka ee lagu faafin jiray wararka maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab, sida lagu xusay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in la xiray oo hawada laga saaray barihii internet-ka ee Al-Shabaab, iyadoo la soo bandhigay liiska.

“Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiranyihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman.Waa ku mahadsanyihiin Shacabka Soomaaliyeed dhiiranaantooda,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Ugu dambeyn, wasiir Al-Cadaala oo shaaciyey Email uu dowladda ku soo ogeysii karo qofkii arka Page lagu baahiyo been abuurka argagixisada ayaa yiri, “Waxaan si xushmadleh uwaydiisanaynaa Qofkii arka Bar Warbaahineed oo Khawaarijtu ku dhuumanayso in uu nala wadaago, waxaadna nagula wadaagikartaa Info@moi.gov.so. Mahadsanidiin.”

Hoos ka akhriso website-yada iyo baraha ay dowladdu xirtay:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...