Monday, March 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo taageertay go’aankii ka soo baxay Mareykanka

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka u qaabilsanaa Ururka Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yiri
”Laamaha kala duwan ee dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa la farayaa inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wadashaqeynta shakhsiyaadkan dembiileyaasha ah ee ku xusan liiskan cunaqabateynta”.

Haddaba halka hoose Ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta.

Tallaabadan ay xukuumadda Washington qaaddey ayaa ka dhalatey baaritaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada sida khaldan diinta Islaamka u adeegsaneysa, baneysateyna dhiigga Muslimiinta aan waxba galabsan.

Waxaa go’aankan uu sidoo kale ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan soo saartey awaamiir loogu digayo cid kasta oo dhaqaale ama lacago u uruurineysa argagixisada.

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ay daashadeen gabbood-falada ay argagixisada ka wadaan dalka ayaa guulo waaweyn ka soo hoyay dagaalka ay kula jiraan kooxaha arxan-laaweyaasha ah ee diinta Islaamka ku gambaneysa. Khasaaraha maliishiyaadka Khawaarijta la gaarsiiyay ayaa isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qaar kale oo badan oo isa soo dhiibay ama la qabtey.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...