Friday, June 19, 2026
27.6 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday Dhoofinta Dadka xoogsatada ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku caddaysay in la mamnuucay in dalka dibeddiisa loo dhoofiyo xoogsato Soomaaliyeed.

Wasaaradda oo la wadaagtay Hay’adda ay quseyso go’aanka ay soo saartay ayaa ku wargelisay dhinacyada ay quseyso iyo Bulshada Soomaaliyeed laga billaabo markii ay taariikhdu ahayd 15/11/2022 in la joojiyey Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama Dalka dibeddiisa loo dhoofin karo.

Sidoo kale, Dhammaaan ruqsadihii iyo shatiyadii hore Wasaaradda Shaqadu u bixisey ee Shirkadaha adeegga shaqo siinta dibeddu waa la baabi’iyey wax lagu dhoofinkaraana ma jiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...