Monday, May 4, 2026
28.7 C
Mogadishu

Dowladda Kenya oo markii ugu horreysay ka soo jawaabtay dalabkii DF Somaliya ee ku aadanaa Wasiir Janan

Nairobi (Halqaran.com) – Dowladda Kenya ayaa ka jawaabtay dalabkii ka yimid dowladda Federalka Soomaaliya ee ku saabsanaa in Kenya ay soo dhiibto Cabdirashiid Janan oo ah Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland.

Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya aysan go’aamin karin in dowladda loo gacan geliyo Wasiir Janan.

Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau sidoo kale waxaa uu sheegay in arrinta la xiriirta Cabdi Rashiid Janan ay go’aamin karaan kaliya Ciidamada Amniga iyagana lagala xiriiro.

Warbaahinta Kenya qaarkood, ayaa ku waramaysaa in Cabdirashiid Janan uu ku hoydo Hotel ku yaallo Magaalada Mandhera, islamarkaana ay ku illaaliyaan Ciidamada dalka Kenya.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, ayaa shalay lagu arkay duleedka Magaalada Beled Xaawo, isaga oo soo bandhigay cudud ciidan.

Hadalkaan kasoo yeeray Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli todobaadkii hore dowladda Soomaaliya ay Kenya iyo Booliska Interpol ka dalbatay in la soo gacan galiyo Wasiir Janan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...