Dowladaha Soomaaliya iyo Finland oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJF Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Finland, Mudane Matti Vanhanen.

Labadaan mas’uul ayaa waxa ay kawada hadleen xiriirka iyo saaxiibtinnimada labada Baarlamaan iyo wada shaqeyntooda.

“Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda, sidoo kale waxaan isla soo qaadnay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha”

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Sheekh Aadan oo la hadlay dhigiisa Finland ayaa sheegay in laga wada shaqeeyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Finland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com