Dowlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Khasaaraha Ka Dhashay Howlgal Culus Oo Ka Dhacay Degaanka Ceeldheere.

Ceeldheere (Halqaran.com) –Ciidamada xoogga dalka, kuwa hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo saacado badan qaatay ka fuliyay deegaanka Ceeldheere oo dhaca xuduudda Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu ku sheegay in howlgalka oo ay barbar socotay duqeyn diyaaradeed ay fuliyeen Mareykanka lagu beegsaday dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab.

Sidoo kale Wasiir Al-Cadaal ayaa sheegay in ay xubnahaan ay deegaanka isku diyaarinayeen, kuwaas oo doonayay in ay ku qaadaan dagaallo rogaal celis ku ah deegaano ku yaala xadka Goballada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe “Hawgalkaas qorsheesan waxa uu u dhacay sidii loogu talo galay, waxaa lagu dilay in ka badan 100 ka tirsan AS ee halkaas isku aruursanayay, waxaa ku jiray 10 ka tirsan horjoogayaal hoggaaminaysay kooxda” waa sida uu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa sheegay howlgalka ay Ciidanka Dowladda ka sameeyeen deegaanka Ceeldheere oo dhacay xadka u dhaxeeya Goballada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan in uu ku soo dhammaaday “Si buuxda ay ula wareegaan deegaanka Ceeldheere oo ahaa marin ay AS ka abaabulayeen weerarada ayna doonayeen in ay halkaa ku dhuumaaleystaan”.

Gaba-gabadii Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa xusay in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa nabadsugida ay ku daba jiraan saraakiil uu sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo baxsaday, wuxuuna intaas kusii daray in howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab uu sii socon doono.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com